
![]() |
Somaliweyn -USA-06/01/06 
Sanadan aan galay maanta oo 2006 ah ayaan waxaa ku gullaysatay gabadha magaceeda la yiraahdo Shukri sheikh bilada suxufiyada somaliweyn.com. Shukri waa gabadh somaliyeed kana mid ah dhalinyarada ka qeyb qadatay shaqada saxafada somaliweyn/tv/radio. Somaliweyn waa website ka soo baxa wadanka Sweden wuxuuna warkiisu gaaraa meelkasta oo aduunka somali ku nooshahay waxaan halkaa gaarsiiya dhalinyaro aad iyo u wada fir fircoon oo u soo jeestay cawimaada dadkooda waxaa dhiln yartaa ka mida gabadhan maanta heshay darajada wariyaha sanadka.
Sanad waliba hoodiyo wuxuu hadimo leeyahay waa laga helaayo hadhow lagu xasuustaa!!!
![]() |
Shukri waxaan aqaan in badan waxaan ku bartay fir fircooni iyo fariidnimo ay dheertahay wariyayaasha kale wariyaasha qudhaba maahee dadkaan barto waa gabadh karti hel oo markaad u baahato aad isku halayan karayso. waxaay ku dhalatay wadanaka Kenya, ka bacdina waxay u wareegtay wadanka Sweden iyadoo 9 sano jirta somaliyana weligeed ma tegin sidaas oo ay tahay hadan luuqada somaliga iyo dhaqanka iyo dadka iyo dalkaba cid ka badisa oo somali ah ma arga run ahaan tii waa qof aad orankarto qoftani waa somaliyad asli ah. |
![]() |
Shukri iyadoo wax yar joogtay Sweden bay biloowday shaqadii saxafada somaliga iyadoo markaa ka hadasha tv lokal ah oo ka soo bixi jiray magaladay deganay. Markii danbena waxay ka hadashay raadiyaayaal somali ah waxay hada mudo badan ka shaqaynaysay somaliweyn oo ay shaqadeedii wax qabada ku soo bandhigtay. Shukri waxay hada ka tahay somaliweyn radio soo saare waxaa isna la shaqaeeya aristaha weyn ee somaliyed Amin Camir.Waxaa iyana shaqada hareeraha haya oo aan maraba la ilaabi karin shaqaalaha ka shaqeeyaa somaliweyn oo dhan oo aan magacyadooda halakan kusoo koobi karayan |
| aad iyo aad bay u mudan yihiin dhalintaa is urusatay oo samaysay website-ka ugu wayn saxaafada somalida oo aada wax walba ka helayso.sidaan wada oganahayba website hawlyar maha hadaan hareerha lagu hayan oo aadan lahayan dad sidaadoo kale u haya hami gaariisnta akhbarka dadka. Shukri sheikh waxaa intaa u dheer wariyanimadaa in ay tahay gabadh ciyaarta kubada cagta oo ka mid ah ciyaaraha uga adag maraky timaado ciyaarta sportiga waxaa waday mudo 8 sano ah sidaay ii sheegtay in kastoo hada ay ka dhaawacantay lugta oo aanay bilahaan ciyaariin. | ![]() |
![]() |
Waxaay u ciyaari jirtay naadi ka mida naadiyada kubada cagta gabadhaha ee Sweden. waxay ka shaqaysaa oo shaqa rasmi ah u ah iyana Gymka meelaha lagu jimicsado oo aan wada ognahay siday u tahay shaqo adag anigu markaan tagaba luguhu idaalaan wabase ka shaqaays aan malin walba iska xadiriyaaye. Shukrina shaqa ahaan bay malankasta isaga xadirisaa.Shukri waa gabadha aad aragtaan siday nolosha xarbi u gelinayso si ay dadka iyo nafteedaba meel uga soo sarto abaalgudna |
| waxaay u leedahay darajo ka saraysa Wariyaha sanadka oo keliya. Aad iyo aad baan kugu hanbalayaynayaa waxaan filayaa in soomali oo dhani ku hanbalyayanayso shadaada fiican sidaa u sii wad. waxaan shukri waraysi ka qaaday intii aanay helin darajada wariyaha sandka iyadoo ka soo noqotay shir ay ku lahayeen dhalinyara somaliyeed wadanka Holland ayna ka qaybgashay. Waxaad kahelaysaa waraysigaa iyo waxayaaba kale oo ku saabsan Shukriba linkiga hoos ku qoran. |
![]() |
![]() ![]() |

http://pub44.bravenet.com/forum/3760225086
http://www.somaliweyn.com/reklam/Wariyaha_sanadka_05.html
www.sanaaglandshukri.tripod.com
http://somaliweyn.com/pages/news/Dec_05/28Dec3.htm
http://www.sssmalaysia.org/modules.php?op=modload&name=News&file=article&sid=287
http://www.somaliweyn.com/pages/news/Dec_05/29Dec4.htm
Qore maxamed c/laahi cali Tiriig (wiilwaal)